Muqdisho, Arbaco 04 Nofeembar 2026: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha (SIPE), tan iyo markii si rasmi ah loo aasaasay guddiga.
Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maaliyadda, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada iyo hayโadaha ka shaqeeya caafimaadka sida WHO, Unicef, Gavi, Africa CDC ,Malinda iyo Gates Foundation , ayaa looga hadlay xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, gaarsiinta tallaalka carruurta aan wali helin, ciribtirka dabaysha iyo kordhinta maalgelinta gudaha, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo hayโadaha bahwadaagta ah, si ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu u helo adeegyo caafimaad oo aasaasi ah.
Raโiisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in isla xisaabtan dhab ah lagu wajaho ciribtirka cudurka dabaysha, isaga oo yiri โMiisaaniyad kasta oo loo qoondeeyay tallaalka waa in ay dhashaa natiijo cad, isla markaana tallaalkaas gaaraa ilmo kasta, iyada oo loo marayo hannaan daahfuran, innaga oo waxqabadkeena ku qiimeynayna inta carruur ee aan xifdinay, iyo tayada adeegyada aan qabanayโ.




From the comments