Xildhibaan Fihiima Yuusuf Cabdullaahi Quuje, oo ka tirsan maamulka Waqooyi-bari, ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii ay ka haysay Baarlamaanka maamulkaasi.
Fihiima ayaa sidoo kale shaacisay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn ee ay hore u aaminsanayd, isla markaana ay hadda taageersan tahay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.
Waxay hore uga tirsanaan jirtay Golaha Deegaanka Laascaanood, iyadoo sidoo kale lagu xusuusto inay ka mid ahayd shaqsiyaadkii hormuudka ka ahaa dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee ka dhacay magaalada Laascaanood xilligii ay Somaliland ka baxaysay magaaladaasi.


From the comments