Muqdisho, 22 Luulyo 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hanjabaadaha ay kooxda Xuutiyiintu u jeedisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo sidoo kale walaac ka muujisay falalka khatar gelinaya amniga maraakiibta, xorriyadda isu-socodka badda, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isla markaana ay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay mowqifkeeda ah in la dhowro nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo cambaareysay tallaabo kasta oo halis gelin karta marin-biyoodka caalamiga ah iyo ganacsiga adduunka.


From the comments