Goobjoog

Wasaaradda Hawlaha Guud oo furtay shirka ansixinta istaraatiijiyadda sannadaha soo socda

Muqdisho – Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Marwo Ayaan Cali Aadan, ayaa si rasmi ah u furtay…

Wasaaradda Hawlaha Guud oo furtay shirka ansixinta istaraatiijiyadda sannadaha soo socda

Muqdisho – Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Marwo Ayaan Cali Aadan, ayaa si rasmi ah u furtay shirka ansixinta istaraatiijiyadda Wasaaradda ee sannadaha 2026–2029.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa ansixinta qorshaha istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda, kaas oo hagaya qorshayaasha shaqo, mudnaanta iyo jihada hawlaha Wasaaradda afarta sano ee soo socota.

Istaraatiijiyaddan ayaa la xiriirta qorsheynta iyo habeynta howlaha Wasaaradda ee dhinacyada hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta, si loo helo qorshe cad oo lagu hago fulinta waajibaadka Wasaaradda muddada soo socota.

Shirka ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo qorsheynta istaraatiijiyadeed iyo dejinta mudnaanta shaqo ee sannadaha soo socda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments