Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaadatay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta ee dalalka Bariga Afrika, kaddib markii Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), uu guddoomiyay kulan heer goboleed ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayeyaasha guud ee baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta maamullada baarlamaannada, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta howlaha hay’adaha sharci-dejinta.
Intii uu socday kulanka, mas’uuliyiintu waxay dib u eegeen warbixinta xoghaynta ururka, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay tallaabooyin lagu hagaajin karo habsami-u-socodka howlaha baarlamaannada iyo taageerada maamul ee loo fidiyo xildhibaannada.




From the comments