Goobjoog

Dawladda Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Horumarka Duulista Rayidka iyo Muhiimadda Istaraatiijiga Ah ee Hawada Dalka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macalin Xasan, ayaa shir caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay duulista rayidka iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee hawada dalka u leedahay isku xirka duulimaadyada gobolka iyo kuwa caalamka.

Dawladda Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Horumarka Duulista Rayidka iyo Muhiimadda Istaraatiijiga Ah ee Hawada Dalka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macalin Xasan, ayaa shir caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay duulista rayidka iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee hawada dalka u leedahay isku xirka duulimaadyada gobolka iyo kuwa caalamka.

Axmed Macalin Xasan ayaa hadalkan ka jeediyay shirkii siddeedaad ee Agaasimeyaasha Guud ee Hay’adaha Duulista Rayidka ee Dalalka Bariga Dhexe (DGCA-MID/8), kaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socda hay’adaha duulista rayidka ee dalalka gobolka iyo wakiillo ka socda ururrada caalamiga ah.

Maareeyaha Guud ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay kaalin muhiim ah ka qaadato isku xirka duulimaadyada rayidka ee gobolka iyo dunida inteeda kale, xilli xaaladaha amni ee gobolka ay saameyn ku yeesheen hawlgallada duulista ee qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in casriyeynta nidaamyada duulista, adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah iyo tayeynta shaqaalaha aqoonta iyo khibradda u leh hawlaha duulista ay sare u qaadeen awoodda Soomaaliya iyo muhiimadda hawadeeda ee isku socodka diyaaradaha caalamka.

“Maanta waxaan joognaa meel dunidu nagu tiirsan tahay,” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan, isaga oo ka hadlayay doorka ay Soomaaliya ku leedahay isku xirka duulimaadyada caalamiga ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan uu fursad u yahay xoojinta iskaashiga dalalka gobolka, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta nidaamyada lagu xaqiijiyo badbaadada iyo amniga duulista rayidka.

Shirkan oo maalintiisa labaad ka socda Dooxa ayaa waxaa martigelinaysa Hay’adda Duulista Rayidka Qatar (QCAA), iyadoo kaashanaysa Xafiiska Gobolka Bariga Dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO).

Ajandaha shirka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka duulista rayidka, kuwaas oo ay ka mid yihiin badbaadada diyaaradaha, hagidda duulimaadyada, amniga nidaamyada dijitaalka ah, ilaalinta deegaanka, fududeynta gaadiidka cirka iyo xoojinta iskaashiga dalalka gobolka.

Waxaa sidoo kale looga hadlayaa hirgelinta barnaamijka amniga duulista ee Bariga Dhexe iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay dowladdu siinayso horumarinta duulista rayidka, casriyeynta adeegyada hawada iyo xoojinta doorka dalka ee isku socodka duulimaadyada caalamiga ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments