Goobjoog

War

Ururrada Bulshada Rayidka oo Ka Digay Saamaynta Xirnaanshaha Dekedda iyo Suuqyada Boosaaso

Boosaaso – Ururka dalladda bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa walaac xooggan ka muujiyay xirnaanshaha muddo dheer socday ee suuqyada iyo howlaha ganacsi ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka digay…

Ururrada Bulshada Rayidka oo Ka Digay Saamaynta Xirnaanshaha Dekedda iyo Suuqyada Boosaaso

Boosaaso – Ururka dalladda bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa walaac xooggan ka muujiyay xirnaanshaha muddo dheer socday ee suuqyada iyo howlaha ganacsi ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka digay in xaaladdan ay keeni karto sicir-barar, yaraanta badeecadaha daruuriga ah iyo dhibaato dhaqaale oo soo wajahda kumannaan qoys.

Suuqyada waaweyn iyo xarumaha ganacsiga ee Boosaaso ayaa xiran maalintii saddexaad oo xiriir ah, halka howlaha Dekedda Boosaaso ay hakad ku jireen muddo laba toddobaad ku dhow.

PUNSAA ayaa sheegtay in xaaladdan ay si toos ah u saameynayso nolosha dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee shacabka, gaar ahaan dadka ku tiirsan shaqooyinka maalinlaha ah iyo ganacsiyada yaryar si ay u helaan nolol maalmeedkooda.

Ururku wuxuu ka digay in haddii xaaladdu sii socoto ay sare u kici karaan qiimaha maciishadda, ay yaraadaan badeecadaha muhiimka ah, isla markaana culays dhaqaale uu sii saaran doono shacabka ku nool Puntland iyo deegaannada kale ee ku tiirsan Dekedda Boosaaso.

PUNSAA waxay ugu baaqday dowladda Puntland, ganacsatada, maamulka dekedda iyo dhammaan dhinacyada khilaafka ku lugta leh inay mudnaanta siiyaan danta shacabka isla markaana ay gaaraan xal degdeg ah oo dib loogu furo suuqyada iyo dekedda.

Khilaafkan ayaa ka dhashay canshuuro iyo khidmadaha cusub ee lagu soo rogay badeecadaha soo gala Dekedda Boosaaso, kuwaas oo ganacsatadu ku tilmaameen kuwo sare u qaadaya kharashka ganacsiga xilli ay jireen duruufo dhaqaale oo adag.

Ganacsatada ayaa sidoo kale ku eedeeyay maamulka in badeecadaha laga hor istaagay inay ka baxaan dekedda ilaa laga bixiyo lacagaha dheeraadka ah, taas oo sababtay in badeecooyin badan ay ku xayirmaan dekedda.

Dekedda Boosaaso ayaa ah halbowlaha ugu weyn ee ganacsiga Puntland, iyadoo ay ka soo galaan cuntooyinka, shidaalka, qalabka dhismaha iyo badeecooyin kale oo muhiim u ah Puntland iyo qaybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in xal degdeg ah oo laga gaaro khilaafkan uu muhiim u yahay ka hortagga saameyn dhaqaale oo ballaaran oo ku faafta guud ahaan waqooyi-bari Soomaaliya.

Get Goobjoog updates

From the comments