Goobjoog

War

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Kulmay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca,…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la Kulmay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo howlgalada milatari ee u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka milatari ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday (UK), iyadoo sidoo kale la isla meel dhigay sidii loo sii adkeyn lahaa wada shaqeynta taageeraysa dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo UK, isagoo xusay in wada shaqeyntaas ay door muhiim ah ka qaadaneyso horumarinta awoodda ciidamada.

Dhankiisa, Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, ayaa xaqiijiyay in Dowladda UK ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo kor u qaadista tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladda UK, xilli ay Soomaaliya sii waddo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga.

Get Goobjoog updates

From the comments