Goobjoog

Soomaalida Mareykanka oo Guulo Siyaasadeed ka Gaaray Doorashooyinka Dalkaas

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa doorashooyinkii 3-dii November 2026 ka gaaray guulo siyaasadeed oo muuqda, kaddib markii siyaasiyiin asal ahaan Soomaali ah ay ku guuleysteen kuraas kala duwan oo ka tirsan hay’adaha sharci-dejinta ee dalkaas, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Soomaalida Mareykanka oo Guulo Siyaasadeed ka Gaaray Doorashooyinka Dalkaas

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa doorashooyinkii 3-dii November 2026 ka gaaray guulo siyaasadeed oo muuqda, kaddib markii siyaasiyiin asal ahaan Soomaali ah ay ku guuleysteen kuraas kala duwan oo ka tirsan hay’adaha sharci-dejinta ee dalkaas, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Guulahan ayaa muujinaya kororka ka-qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida Mareykanka, kuwaas oo sannadihii u dambeeyay si tartiib-tartiib ah uga dhex muuqday siyaasadda, hoggaanka bulshada iyo go’aan-qaadashada dalka ay ku nool yihiin.

Magacyada sida weyn loo hadal hayo waxaa ka mid ah Ilhaan Cumar, oo mar kale ku guuleysatay kursiga degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, kana tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka.

Ilhaan ayaa doorashadii ugu dambeysay kaga adkaatay musharraxa xisbiga Jamhuuriga John Nagel, iyadoo xaqiijisay muddo-xileedkeedii shanaad ee Congress-ka, halkaas oo ay ku matasho shacabka magaalada Minneapolis iyo deegaannada ku dhow.

Ilhaan Cumar ayaa taariikh siyaasadeed ku leh dalka Mareykanka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah ee loo doorto Congress-ka Mareykanka.

Tan iyo markii ay xilka la wareegtay sannadkii 2019-kii, waxay ka mid noqotay siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaan siyaasadda gudaha Mareykanka, iyadoo door muuqda ku leh doodaha la xiriira arrimaha bulshada, socdaalka, xuquuqda muwaadiniinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Guusheeda doorashadan ayaa timid xilli ay wajahaysay dhaleeceyn iyo eedeymo siyaasadeed oo uga yimid Madaxweyne Donald Trump iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa marar badan weerarro hadal ah ku qaaday Ilhaan, isaga oo sidoo kale ku baaqay inay xilka iska casisho, hase yeeshee Ilhaan ayaa eedeymahaas beenisay, waxayna sii wadday ololaheeda siyaasadeed. Warbaahinta Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay markale ku guuleysatay kursigeeda.

Dhanka kale, gobolka Minnesota waxaa sidoo kale ka muuqda siyaasiyiin kale oo Soomaali ah, kuwaas oo ku jira hay’adaha sharci-dejinta, waxaana ka mid ah Zaynab Maxamed oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Minnesota iyo Samakab Hussein oo ka tirsan Golaha Wakiillada gobolkaas.

Sidoo kale, gobolka Minnesota waxaa siyaasadda ka dhex muuqda xubno kale oo Soomaali ah sida Cumar Fateh, Hodan Hassan iyo Mohamud Noor, kuwaas oo horey u soo qabtay xilal siyaasadeed oo kala duwan.

Gobolka Ohio waxaa ka muuqda Munira Abdullahi iyo Ismail Mohamed, halka gobolka Maine ay matalaad Soomaaliyeed ku leeyihiin Mana Abdi iyo siyaasiyiin kale oo horey uga soo shaqeeyay baarlamaanka gobolkaas.

Magacyadan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ay ururka Somali American Elected Officials Network ku diiwaangeliyeen liiska hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee xilalka la doortay ka haya Mareykanka.

Soomaalida ku nool Mareykanka kuma koobna oo keliya siyaasadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, balse waxay sidoo kale ka dhex muuqdaan golayaasha deegaanka, maamulka degmooyinka, guddiyada waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dowliga ah.

Magaalooyin ay ka mid yihiin Minneapolis, St. Paul, Seattle iyo Portland waxaa ka jira Soomaali xilal kala duwan ka haya maamulka iyo hoggaanka bulshada.

Kororka matalaadda siyaasadeed ee Soomaalida Mareykanka ayaa ah arrin si weyn loo dareemayo, marka la eego sida ay bulshadu uga soo gudubtay marxalad ay inta badan diiradda saari jirtay la qabsiga nolosha cusub, una gudubtay ka-qaybgal toos ah oo ku saabsan tartanka doorashooyinka iyo hoggaaminta hay’adaha dowladda.

Siyaasiyiintan ayaa ku yimid duruufo kala duwan, balse waxaa mideeya asal Soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen nidaamka siyaasadeed ee Mareykanka, halkaas oo muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay codeeyaan, isu sharaxaan xilalka dadweynaha, isla markaana matalaan deegaannada ay ka soo jeedaan.

Waxaa xusid mudan in guulaha la xaqiijiyay ay isugu jiraan kuraasta heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, ayadoo Ilhaan Cumar ay ku guuleysatay kursi ka tirsan Congress-ka Mareykanka, halka siyaasiyiinta kale ay ka tirsan yihiin baarlamaannada iyo hay’adaha dowlad-goboleedyada.

Guulahan siyaasadeed ayaa sidoo kale muhiim u ah jiilka cusub ee Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan dhalinyarada ku kortay dalkaas, kuwaas oo hadda fursad u helaya inay ka qayb qaataan siyaasadda, hoggaanka iyo go’aanada saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda.

horumarka ay Soomaalida Mareykanka ka sameeyeen dhinaca siyaasadda wuxuu muujinayaa isbeddel ku yimid doorkooda bulshada ay ku dhex nool yihiin, ayadoo Laga soo bilaabo goleyaasha magaalooyinka ilaa baarlamaannada dowlad-goboleedyada iyo Congress-ka federaalka, Soomaalida ayaa sii ballaarinaysa matalaaddeeda, taas oo ka dhigan in codka iyo danaha bulshada Soomaaliyeed ay helayaan meelo dheeraad ah oo looga hadlo gudaha Mareykanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments