Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa mar kale ku guuleysatay doorashada kursiga degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, iyadoo dib loogu doortay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Guushan ayaa timid xilli ay Ilhaan Cumar wajahaysay dhaleeceyn iyo cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanayay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo dhowr jeer ku baaqay inay xilka iska casisho, isla markaana dib u soo nooleeyay eedeymo la xiriira khiyaano aqoonsi iyo arrimo dhalasho oo ay Ilhaan hore u beenisay.
Ilhaan Cumar ayaa kursigan degmada 5-aad ee Minnesota ku matalaysay Aqalka Wakiillada tan iyo sanadkii 2019-kii, waxaana guushan ay u horseedaysaa inay gasho muddo-xileedkeedii shanaad. Doorashada ayay kaga adkaatay musharraxa Jamhuuriga John Nagel.




From the comments