MUQDISHO (Goobjoog News) — Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa la sheegay inay aqbashay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud fursad kale la siiyo si khilaafka siyaasadeed ee dalka loogu xalliyo wadahadal, taas oo waddada u xaari karta dib-u-bilaabidda wadaxaajoodyadii Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Warbixinnada la helayo waxay sheegayaan in Madashu magacawday guddi ka kooban madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo xildhibaannada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Carab. Guddigan ayaa la filayaa inuu ka hor 14-ka Nofeembar la kulmo guddiga farsamada ee dowladda, si looga heshiiyo ajandaha, qaabka iyo qodobbada saldhigga u noqonaya wadahadallada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mucaaradka, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ku casuumay shir wadatashi oo Muqdisho ka dhacaya 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar. Madaxtooyadu waxay sheegtay in shirka lagu raadinayo is-afgarad ku saabsan doorashooyinka federaalka iyo arrimaha kale ee siyaasadeed.




From the comments