Goobjoog

War

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo Cambaareysay Falal ka Dhan ah Calanka Mareykanka

Muqdisho, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka ka dhanka ah Mareykanka ay dhaawacayaan xiriirka labada dal, iyadoo xustay in Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ku taageertay gargaar…

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo Cambaareysay Falal ka Dhan ah Calanka Mareykanka

Muqdisho, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka ka dhanka ah Mareykanka ay dhaawacayaan xiriirka labada dal, iyadoo xustay in Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ku taageertay gargaar lagu qiyaaso balaayiin doollar sannadihii la soo dhaafay.

Safaaraddu waxay tilmaantay in shacabka Mareykanka ay muddo dheer taageero siiyeen dadaallada militari ee lagula dagaallamayo ururrada argagixisada ee halista ku ah Mareykanka isla markaana si toos ah u bartilmaameedsada shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka Safaaradda ayaa sidoo kale lagu ammaanay jawaabta degdegga ah iyo tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu faafay muuqaal muujinayay shaqsiyaad ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ku kacayay fal lagu aflagaadeynayo calanka Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dadka ama kooxaha isku dayaya inay dhaawacaan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ay waxyeello u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug leh falalkaas.

Get Goobjoog updates

From the comments