Goobjoog

NISA oo shaacisay in la dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho, 28 Oktoobar 2026 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kuunyo…

NISA oo shaacisay in la dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho, 28 Oktoobar 2026 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed ay NISA soo saartay ayay ku sheegtay in hawlgalka, oo dhacay 23-kii Oktoobar, lagu dilay Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Cabdikariin Horseed ama Gaagaale.

Sida lagu sheegay bayaanka, Faysal Yuusuf ayaa ahaa madaxa guud ee maaliyadda kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha hoggaanka u qaabilsan dhaqaalaha iyo shabakadaha dhaqaale ee kooxda.

NISA waxay sheegtay in Faysal uu kooxda ku biiray sanadkii 2007, isagoo markii hore ka shaqeyn jiray suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, halkaas oo uu ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee kooxda.

Intii u dhexeysay 2007 iyo 2011, wuxuu madax ka ahaa qaybta ay hay’addu ku tilmaantay Maktabka Maaliyadda ee gobolka Banaadir, isagoo maamulayay lacago baad ah oo laga qaado shacabka. Sanadihii 2011 ilaa 2014, ayuu noqday madaxa guud ee xisaabaadka kooxda.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in Faysal Yuusuf uu intii u dhexeysay 2014 iyo 2024 ahaa madaxa ugu sarreeya maaliyadda Al-Shabaab, isagoo xilkaas kala wareegay Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaan Cabdullaahi Wadaad.

NISA ayaa sheegtay in Cabdullaahi Wadaad isaguna lagu dilay hawlgal dhacay 23-kii Janaayo 2026, kaas oo ka dhacay isla deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hay’addu waxay ku tilmaantay dilka labada mas’uul mid dhabar-jab ku ah hoggaanka maaliyadeed iyo shabakadaha dhaqaale ee Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin maalgelinta hawlgallada kooxda.

Dhanka kale, NISA waxay sheegtay inay sii wadi doonto hawlgallada lagu beegsanayo hoggaanka Al-Shabaab iyo burburinta shabakadaha dhaqaale ee kooxda, iyadoo shacabka ugu baaqday inay la wadaagaan xogaha la xiriira khataraha amni.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments