Goobjoog

War

Ninkii dilay taliyihii saldhigga Booliska Jarriiban oo saaka la toogtay

Waxaa saaka meel fagaare ah oo ku taalla degmada Jarriiban ee gobolka Mudug lagu fuliyay dil toogasho ah oo lagu qisaasay Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu helay inuu habeen hore dilay taliyihii saldhigga Booliska degmada Jarriiban, Alle ha u naxariistee Guuleed Cabdiqaadir Cali (Kadleeye).

Sida wararku sheegayaan, gacan ku dhiiglaha ayaa la qabtay isla habeenkii uu falka geystay, waxaana muddo ka yar 48 saacadood gudahood lagu fuliyay xukunka qisaasta.

Dhanka kale, taliyihii la dilay ayaa shalay lagu aasay degmada Jarriiban, halka ninkii lagu helay dilkiisana saaka la toogtay, kaddibna la aasay.

Hooyada dhalay taliyaha geeriyooday, Guuleed Cabdiqaadir Cali, ayaa warbaahinta la hadashay, iyadoo sheegtay inay ku qanacsan tahay qaddarta ku timid wiilkeeda, isla markaana ay dareemayso in caddaalad la helay kaddib markii la fuliyay qisaasta ninkii dilka geystay.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa degmada Jarriiban, iyadoo fulinta degdegga ah ee qisaasta ay dhalisay falcelinno kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah. .

Get Goobjoog updates

From the comments