Goobjoog

Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan Oo Shaaciyey Hawlgal Ka Dhan Ah Burcad-Badeedda

Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka Galmudug ay saacadaha soo socda tallaabo ka qaadi doonaan kooxo burcad-badeed ah oo uu sheegay inay ka soo baxsadeen hawlgallada ay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaannada xeebaha.

Liibaan Axmed Xasan wuxuu sheegay in kooxahaasi aysan gabbaad ka heli doonin deegaannada Galmudug, isagoo tilmaamay in la diyaarinayo tallaabooyin amni oo looga hortagayo inay saldhigyo cusub ka samaystaan xeebaha maamulkaas.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo markabka MT Asana, oo weli gacanta ugu jira koox burcad-badeed ah, la sheegay inuu ku sugan yahay meel u dhow xeebaha Hobyo.

Dhaqdhaqaaqa kooxaha burcad-badeedda ayaa kordhay kaddib hawlgallo ay ciidamada Puntland ku soo furteen maraakiib ay afduubteen kooxo hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira walaac laga qabo in kooxaha ka baxsaday hawlgalladaasi ay u wareegaan xeebaha koonfurta Mudug, halkaas oo masaafada dheer iyo joogitaanka kooban ee ciidamada badda ay siin karaan fursado ay dib isugu abaabulaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments