Goobjoog

Loolanka Doorashada Mareykanka oo saameyn ku yeeshay Xiriirka Muqdisho iyo Washington

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa wajahaya caqabado cusub, iyadoo loolanka siyaasadeed ee ka taagan gudaha Mareykanka uu saameyn ku yeelanayo dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Loolanka Doorashada Mareykanka oo saameyn ku yeeshay Xiriirka Muqdisho iyo Washington

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa wajahaya caqabado cusub, iyadoo loolanka siyaasadeed ee ka taagan gudaha Mareykanka uu saameyn ku yeelanayo dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Warbixin ay 1-dii Oktoobar 2026 baahisay Africa Intelligence ayaa sheegtay in jawiga siyaasadeed ee Mareykanka uu sii adkaanayo xilli ay dalkaasi isu diyaarinayo doorashooyinka bartamaha xilliga (midterm elections).

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in kooxaha muxaafidka ah ee Mareykanka ay isku dayayaan inay fadeexad ballaaran oo la xiriirta leexinta ama si khaldan loo maareeyay dhaqaalaha gargaarka dadweynaha u adeegsadaan cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah xisbiga Dimuqraadiga.

Xaaladdan siyaasadeed ee gudaha Mareykanka ayaa, sida lagu sheegay warbixinta, adkeynaysa dadaallada Muqdisho ay ku dooneyso inay xiriir wanaagsan la yeelato maamulka Trump.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

Si kastaba ha ahaatee, isbeddellada siyaasadeed ee Washington ayaa noqday arrin saameyn ku yeelan karta sida maamulka Trump u wajahayo faylka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay Mareykanka u aragto saaxiib muhiim ah oo dhinaca amniga ah, iyadoo Washington ay taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in xiriirka Muqdisho iyo Washington uu ku dhex jiro arrimo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ballaaran, kuwaas oo ay ku jiraan xaaladda amniga Soomaaliya, siyaasadda gudaha, iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dhinacyada gobolka iyo beesha caalamka.

Dhanka kale, xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo dowladda federaalka ay wajahday cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha ah iyo walaacyo la xiriira mustaqbalka hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Xariirka Soomaaliya iyo Mareykanka wuxuu hadda ku jiraa marxalad ay si weyn u saameyn karaan siyaasadda gudaha Mareykanka, doorashooyinka 2026 iyo mudnaanta amni iyo diblomaasiyadeed ee maamulka Trump.

Warbixinta Africa Intelligence ayaa muujinaysa in dadaallada Muqdisho ee ku aaddan hagaajinta xiriirka Washington aysan si fudud u soconayn, iyadoo siyaasadda gudaha Mareykanka ay noqotay caqabad dheeraad ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments