Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha Itoobiya, Eritrea iyo Masar inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, iyadoo ururku walaac ka muujiyay xiisadaha u dhexeeya saddexda dal iyo saameynta ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Guddiga Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saddexda dal ay ka fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii kordhin kara xiisadaha, isla markaana wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida gobolka. Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladda jirta loo baahan yahay in si taxaddar leh loo maareeyo, si looga hortago in khilaafaadku sii xoogeysto.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah siiyay in la ilaaliyo waddooyinka isgaarsiinta ee u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Masar, isagoo ku boorriyay dhinacyada inay khilaafaadkooda ku xalliyaan hannaan diblomaasiyadeed oo rasmi ah iyo wada-hadal nabadeed.




From the comments