Goobjoog

La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidanka Danab oo Hawlgal ay Ka Fuliyeen Shabeellaha Hoose, ku diley 9 xubnood oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararka laga helayo hawlgalka sheegayaan, intii uu socday waxaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen dagaalyahanno iyo horjoogihii kooxda hoggaaminayey ee ku sugnaa deegaanka.

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay sheegeen inay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku suganyihiin xubnaha kooxda.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan la dagaallanka Al-Shabaab, iyagoo sii wada hawlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments