Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay wararka la xiriira xirnaanshaha Dekedda Boosaaso, isagoo sheegay in dekeddu ay si caadi ah u shaqeyneyso isla markaana aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid howlaha muhiimka ah ee dekedda.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in xoolihii dhoofinta loo waday ay si caadi ah uga baxayaan dekedda, halka shidaalkiina uu si joogto ah uga soo degayo, isagoo beeniyay wararka sheegaya in Dekedda Boosaaso ay gebi ahaanba xiran tahay.
“Dekedda Boosaaso ma xirna, xoolihiibaa dhoofaya, shidaalkiina waa soo degayaa. Wararka la faafiyay waa warar sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Puntland, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin ee saameyn kara dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin muranno iyo cabashooyin la xiriira canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee lagu soo rogay badeecadaha soo gala Dekedda Boosaaso, kuwaas oo sababay xiisad u dhexeysa dowladda Puntland iyo qeyb ka mid ah ganacsatada.
Dekedda Boosaaso ayaa ah halbowlaha ganacsiga Puntland, waxaana ay door muhiim ah ka qaadataa soo dejinta badeecadaha daruuriga ah iyo dhoofinta xoolaha nool ee loo iib geeyo suuqyada dibadda.
From the comments