Goobjoog

War

Libaan Axmed Xasan “Galmudug Waxay Mudan Tahay Hoggaan Mideeya Bulshada”

Libaan Axmed Xasan ayaa shacabka reer Dhuusamareeb uga mahadceliyay soo dhaweyntii ballaarneyd ee loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur, isagoo sheegay in soo dhoweyntaasi ay ka tarjumeyso kalsoonida iyo rajada…

Libaan Axmed Xasan “Galmudug Waxay Mudan Tahay Hoggaan Mideeya Bulshada”

Libaan Axmed Xasan ayaa shacabka reer Dhuusamareeb uga mahadceliyay soo dhaweyntii ballaarneyd ee loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur, isagoo sheegay in soo dhoweyntaasi ay ka tarjumeyso kalsoonida iyo rajada ay shacabka ka qabaan himiladiisa siyaasadeed iyo hoggaaminta mustaqbalka Galmudug.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu sidoo kale uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Ururka JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, xildhibaannada labada aqal, madaxda Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb qaadatay soo dhaweyntiisa, isagoo ku tilmaamay taageeradooda mid dhiirigelin weyn u ah.

Libaan ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay inay garab istaagaan, si wadajir looga shaqeeyo horumarinta deegaannada, adkeynta nabadda, xoojinta midnimada bulshada iyo soo afjaridda colaadaha beelaha.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Galmudug ay u baahan tahay hoggaan mideeya bulshada, dhegeysta baahiyaha shacabka isla markaana mudnaanta siiya horumar waara iyo mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyn, Libaan Axmed Xasan ayaa ballanqaaday inuu ku shaqeyn doono daacadnimo, wadajir iyo aragti ku dhisan horumar iyo nabad, isagoo markale shacabka ka codsaday inay ku garab istaagaan dhismaha Galmudug horumarsan, nabdoon oo mideysan.

Get Goobjoog updates

From the comments