Shirkadda Adeegga Korontada Itoobiya (EEU) iyo Shirkadda Korontada ee Kenya (Kenya Power) ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis cusub oo la xiriira dhoofinta korontada Itoobiya ay u iibinayso Kenya.
Sida ku cad heshiiska, Itoobiya ayaa Kenya ku siin doonta koronto qiimaheedu yahay 0.15 doolar halkii kilowatt-saacba (kWh), taas oo u dhiganta qiyaastii 24.07 birr.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga tamarta ee labada waddan, isla markaana kor u qaado helitaanka koronto lagu kalsoonaan karo, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudaha labada dal.
Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay inuu dhiirrigelin doono kobaca dhaqaalaha iyo isdhexgalka gobolka Bariga Afrika.
Dhanka kale, Itoobiya ayaa si weyn u kordhisay awooddeeda wax-soo-saarka korontada toddobadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo korontada ay dhaliso ay ka korortay 4,462 megawatt ilaa 9,752 megawatt.
Kororkaasi waxaa door weyn ku leh mashaariic waaweyn oo dalkaas laga hirgeliyey, gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee GERD, kaas oo ah mashruuca ugu weyn ee korontada biyaha laga dhaliyo ee qaaradda Afrika.
Itoobiya ayaa hadda koronto u dhoofisa dalalka Kenya, Jabuuti, Tansaaniya iyo Suudaan, iyadoo sidoo kale wadahadallo cusub kula jirta Suudaanta Koonfureed.
Soomaaliya ayaa iyaduna muujisay xiisaha ay u qabto inay mustaqbalka ka faa’iidaysato korontada Itoobiya.
From the comments