Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK, kaas oo looga hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada lagu kordhinayo dakhliga gudaha.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Faysal Maxamed Xaashi, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Hodan Osman. Mas’uuliyiinta Dowladda UK ee kulanka ka qeybgalay ayaa isugu jiray khubaro ku takhasustay dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, horumarinta ilaha dakhliga gudaha iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso dhaqaalaha dalka.




From the comments