Xildhibaanadda Congress-ka Mareykanka ee asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, Ilhaan Cumar, ayaa dib u soo cusbooneysiisay dadaalkeeda ku aaddan in Mareykanku ku biiro Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), iyadoo soo bandhigtay qaraar cusub oo ku baaqaya in dowladda Mareykanka ay ansixiso Heshiiska Rome, oo ah heshiiska aasaaska u ah maxkamadda.
Qaraarkan ayaa imanaya maalmo un kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio uu sheegay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu si buuxda u wiiqo awoodda ICC, isagoo ballan qaaday in la adeegsan doono dhammaan awoodaha dowladda si loo yareeyo saameynta maxkamaddaas.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in haddii Mareykanka ay dhab ka tahay difaaca xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharcigu, ay tahay inuu xoojiyo garsoorka caalamiga ah halkii uu daciifin lahaa.
Waxay xustay in ICC ay tahay aalad muhiim u ah caddaaladda, gaar ahaan marka dhibbanayaashu aysan haysan meel kale oo ay cadaalad ka helaan.
Qaraarka ay soo gudbisay wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in la qaado cunaqabateynta iyo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump uu ku soo rogay saraakiisha ICC.
Dhanka kale, maamulka Trump ayaa si adag uga soo horjeeda baaritaannada ay ICC ku hayso ciidamada Mareykanka iyo mas’uuliyiinta Israa’iil, xilli Mareykanka iyo Israa’iil midkoodna uusan tirsana Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, mana aqoonsana awooddeeda.
ICC ayaa hore u soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant, taas oo la xiriirta baaritaanno ku saabsan dagaalka Gaza.
Arrintan ayaa muujinaysa kala aragti duwanaanshaha sii xoogeysanaya ee ka dhex jira siyaasadda Mareykanka ee ku saabsan kaalinta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo sida loo wajahayo caddaaladda caalamiga ah.
From the comments