Baydhabo, Soomaaliya – hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Bulsho, oo ah barnaamij loogu talagalay xoojinta dowladaha hoose, horumarinta adeegyada bulshada iyo kordhinta ka qaybgalka shacabka ee qorsheynta horumarka.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta iyo wakiillo ka socday bulshada.
Hoggaamiye Aadan ayaa sheegay in mashruucan uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, adkeynta awoodda bulshada iyo dardargelinta horumarka degmooyinka Koonfur Galbeed.
Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in hirgelinta mashruuca lagu saleyn doono hufnaan iyo isla-xisaabtan si bulshada ay uga faa’iideysato.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cabdulqaadir Cilmi, ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nidaamka maamul-daadejinta, tayeynta dowladaha hoose iyo hagaajinta adeegyada loo fidiyo shacabka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in mashruucu uu isku xiri doono baahiyaha horumarineed ee bulshada iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029), si shacabka ay door muuqda uga yeeshaan aqoonsiga iyo hirgelinta mashaariicda ay mudnaanta siinayaan.
Mashruucan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta dib-u-habeynta maamul-daadejinta, iyadoo la doonayo in la xoojiyo hay’adaha dowladaha hoose, la ballaariyo adeegyada bulshada, lana taageero xasilloonida iyo horumarka waara ee dalka.
From the comments