Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyagoo ka faa’iideysanaya canshuur-dhaaf buuxa.
Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan suuqa Shiinaha fursad canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysatada, ganacsatada iyo dhammaan daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo bog cusub oo iskaashi iyo maalgashi oo faa’iido u leh labada dal.


From the comments