Goobjoog

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo agaasime cusub u magacawday Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah. Magacaabistan ayaa lagu ansixiyey kulan gaar ah oo Golaha Wasiirrada ay…

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo agaasime cusub u magacawday Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah.

Magacaabistan ayaa lagu ansixiyey kulan gaar ah oo Golaha Wasiirrada ay maanta ku yeesheen Muqdisho, kaas oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac.

Magacaabista Shukri Xasan Cusmaan ayaa timid kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Golaha Wasiirrada.

Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah ayaa qaabilsan arrimaha la xiriira shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo hawlgabkooda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments