Goobjoog

War

DEG DEG: Yemen oo Xirtay Dhammaan Garoomadeeda Diyaaradaha

Hay’adda Duulista Hawada ee Yemen ayaa soo saartay wareegto lagu amrayo in la xiro dhammaan garoomada diyaaradaha ee dalka, iyadoo hakad la geliyay dhammaan duulimaadyadii ilaa ogeysiis dambe laga soo…

DEG DEG: Yemen oo Xirtay Dhammaan Garoomadeeda Diyaaradaha

Hay’adda Duulista Hawada ee Yemen ayaa soo saartay wareegto lagu amrayo in la xiro dhammaan garoomada diyaaradaha ee dalka, iyadoo hakad la geliyay dhammaan duulimaadyadii ilaa ogeysiis dambe laga soo saarayo.

Go’aankan ayaa yimid xilli xiisad amni iyo mid militari ay ka sii dartay dalka Yemen.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Yemen ay qaaday tallaabadan kadib markii ciidamada dowladda ay beegsadeen dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Sanca si ay uga hortagaan diyaarad laga leeyahay Iran oo doonaysay inay halkaas ka degto.

Diyaaraddaasi ayaa la sheegay inay ugu dambeyn u weecatay garoonka magaalada Xudeydah.

Dhinaca kale, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku eedeysay Sacuudiga inuu weerar ku qaaday garoonka Sanca, iyagoo sheegay inay ka jawaabi doonaan weerarkaasi.

Dhacdadan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in colaadda Yemen ay gasho marxalad cusub oo sii xumaata.

Xiritaanka garoomada ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho safarrada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Yemen, iyadoo kumannaan rakaab ah ay wajihi karaan dib u dhac iyo hakad ku yimaada socdaalladooda.

Get Goobjoog updates

From the comments