Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, dowladda iyo shacabka dalkaas, kadib geeridii ku timid Wasiirkii Difaaca Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan.
Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay marxuumka masuul qaran oo muddo dheer si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegay dalkiisa, isagoo door muuqda ka qaatay hoggaaminta iyo horumarinta hay’adaha difaaca ee Jabuuti.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in marxuumku uu si weyn uga qeyb qaatay xoojinta taageerada ay Jabuuti siiso dadaallada dib-u-soo-celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, taas oo ka dhigtay saaxiib muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.


From the comments