Goobjoog

War

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgal Burburin ah ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu burburinayay fariisimaha kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Tooratoorow, Caliyoow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan…

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgal Burburin ah ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu burburinayay fariisimaha kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Tooratoorow, Caliyoow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda, kuwaas oo sida ay ciidamada sheegeen loo adeegsan jiray isku abaabulka dagaalyahannada iyo qorsheynta falalka amni-darrada ah.

Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen burburinta fariisimo iyo gabaadyo muhiim u ahaa kooxda, iyadoo ujeeddada ugu weyn ay ahayd in la wiiqo awooddooda isla markaana laga saaro meelaha ay saldhigyada ku leeyihiin.

Hawlgalkan waxaa fuliyay Ururrada 161-aad iyo 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, kuwaas oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha hubeysan ee khalkhalka ku haya amniga dalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ka socda qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dadaalladaasi lagu doonayo sugidda amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Get Goobjoog updates

From the comments