Magaalada Jabuuti ayaa si rasmi ah uga furmay Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD.
Soomaaliya waxaa shirka uga qaybgalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya.
Kalfadhiga ayaa diiradda lagu saaraya arrimaha nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo sidoo kale xoojinta heshiiska, wadajirka iyo hay’adaha IGAD.



From the comments