Jabuuti, 18 Juun 2026 – Ururka IGAD ayaa bayaan rasmi ah kasoo saaray wararka ku saabsan furitaanka xafiis diblomaasiyadeed ay Somaliland ka yeelatay magaalada Qudus (Jerusalem), isagoo ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bayaanka IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu mar kale xaqiijinayo mowqifkiisa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo heshiisyada IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
IGAD waxay sheegtay inay si dhow ula socotay wararka la xiriira furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus, iyadoo xustay in mowqifkeedu yahay in si buuxda loo dhowro midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.



From the comments