Hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo Urur-Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada iyo rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadal.
Qoraal ay soo saartay UNTMIS (United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia) ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay dagaallada ka bilowday Muqdisho, iyadoo dhinacyada isku haya khilaafka loogu baaqay inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyadeed leh, ka fogaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta nolosha shacabka rayidka ah, ayna mudnaanta siiyaan xal nabadeed.
UNTMIS waxay sidoo kale xustay casharradii laga bartay qalalaasihii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muranka doorashooyinku sababay amni-darro iyo kala qaybsanaan, iyadoo ka digtay in aan mar kale lagu noqon khaladaadkii hore.



From the comments