Goobjoog

TAARIIKHNOLOLEED

Taariikh Nololeedka G/le Sare Shiikh Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac)

Alle ha u naxariistee waxaa saacado ka hor magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday shiikh Cali Cabdille Fiixiye ” Cali Shucaac” oo ahaa caalim Soomaaliyeed iyo halgamaa ka tirsanaa ka jabhaddii xoraynta Soomaali galbeed iyo ciidanka ciidanka xoogga dalka labadaba.

G/le Sare Cali Cabdille Fiixiye, oo loo yiqiin Cali Shucaac, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu magaca dheeraa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa qoraa, hal-abuur iyo aqoonyahan door muuqda ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Marxuumku wuxuu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kaalin muhiim ah ka qaatay difaaca dalka. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii geesinimada lagu xusuusto ee ka qayb galay Dagaalkii 1977, iyo halganno kale oo lagu difaacayay gobannimada, midnimada iyo karaamada Soomaaliya.

Inta uu ku jiray adeegga ciidanka, Cali Shucaac wuxuu ku suntanaa waddaniyad, daacadnimo iyo karti hoggaamineed, taasoo sababtay inuu ka mid noqdo saraakiishii taariikhda baalka dahabka ah ka galay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago waajibaadkiisii ciidan, wuxuu ahaa qoraa iyo aqoonyahan si joogto ah uga hadli jiray taariikhda Soomaaliya, qadiyadda Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada dalka iyo horumarinta wacyiga bulshada. Wuxuu bulshada uga tegay dhaxal aqooneed oo ay ka mid yihiin qoraallo iyo buugaag ka hadlaya taariikhda, dhaqanka iyo halganka ummadda Soomaaliyeed.

Geeridiisa waxaa si weyn uga tacsiyeeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ku tilmaamay halyey qaran oo dalkiisa u soo adeegay si geesinimo, daacadnimo iyo naf-hurnimo leh.

Marxuumku wuxuu ka tegay dhaxal sharaf iyo taariikh ay jiilasha Soomaaliyeed ka baran doonaan waddaniyadda, adeegga qaranka iyo jacaylka dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments