Allaha u naxariistee waxaa goor dhow la xaqiijiyey geerida Allaha u naxariistee Sheekh Qaasim Naaji Yaasheey oo ka mid ahaa culimada iyo dadka aadka looga yaqaanay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Marxuumka ayaa muddo dheer ahaa Mu’adinka masaajid ku yaalla degmadaasi, isagoo si joogto ah ugu adeegayay bulshada iyo cibaadada masaajidka, balse maanta ayay qadartii Alle u timid, waxaana la sheegay inuu gudaha masaajidka ku dhacay, xilli uu qeybta weesada u socday, sidaas uu ku geeriyooday.
Sheekh Yaasheey ayaa dhawaan si weyn looga hadal hayay baraha bulshada kadib markii uu kasoo muuqday muuqaal uu kaga cabanayay barakicin iyo burburin lagu sameeyay gurigii iyo dhulkii uu deganaa, arrintaas oo dhalisay dareen iyo falcelin kala duwan.


From the comments