Goobjoog

Saynis & Tiknooloji

AI-gu ma qaadan kartaa go’aannada dagaallada? Su’aal weyn oo ka dhalatay adeegsiga sirdoonka macmalka ah ee militariga

Sirdoonka macmalka ah (AI) ayaa si isa soo taraysa u beddelaya qaabka dagaallada casriga ah loo maamulo, iyadoo dalal badan ay adeegsanayaan diyaarado iswada, nidaamyo falanqeeya xogta dagaalka iyo barnaamijyo ka caawiya ciidamada inay si degdeg ah u aqoonsadaan bartilmaameedyada.

AI-gu ma qaadan kartaa go’aannada dagaallada? Su’aal weyn oo ka dhalatay adeegsiga sirdoonka macmalka ah ee militariga

Sirdoonka macmalka ah (AI) ayaa si isa soo taraysa u beddelaya qaabka dagaallada casriga ah loo maamulo, iyadoo dalal badan ay adeegsanayaan diyaarado iswada, nidaamyo falanqeeya xogta dagaalka iyo barnaamijyo ka caawiya ciidamada inay si degdeg ah u aqoonsadaan bartilmaameedyada.

Hase yeeshee, arrinta ugu weyn ee hadda la isweydiinayo ayaa ah in AI ay awood u leeyahay inu qaato go’aanno anshaxeed oo la xiriira isticmaalka awoodda dagaalka.

Warbixin ay daabacday Al Jazeera ayaa sheegaysa in nidaamyada AI ay door muuqda ku yeesheen dagaalladii ka dhacay Ukraine, Gaza iyo dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Waxaa si gaar ah loo xusay nidaamka Maven Smart System (MSS) oo ay samaysay shirkadda Palantir, kaas oo loo adeegsado falanqaynta xogta sirdoonka iyo aqoonsiga bartilmaameedyada.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in maalintii ugu horreysay ee dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil la galeen Iiraan, nidaamka Maven uu ka qayb qaatay aqoonsiga in ka badan 1,000 bartilmaameed. .

Mid ka mid ah weerarradaas ayaa lagu dhuftay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Minab, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 150 qof, badankoodna ahayaan carruur.

Baaritaan lagu sameeyay dhacdadaas ayaa lagu sheegay in qaladka uu la xiriiray xog dayax-gacmeed oo duugowday, waxaana sida laga soo xigtay Pentagon-ka, hub kasta oo AI ku shaqeeya weli uu u baahan yahay oggolaanshaha ugu dambeeya ee bini’aadamka ka hor inta aan la fulin weerar.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro badan ayaa ka digaya in marka go’aannada lagu degdego ay yaraato fursadda lagu sameyn karo qiimeyn sharci iyo mid anshaxeed oo dhammaystiran.

Borofeysar Elke Schwarz, oo ku takhasustay aragtida siyaasadda iyo anshaxa dagaalka, ayaa sheegtay in AI aysan waligeed fahmi karin qiimaha nolosha aadanaha, murugada, xanuunka iyo mas’uuliyadda ka dhalata go’aannada dhimashada.

Waxay sheegtay in anshaxu yahay arrin bini’aadanku leeyahay oo aan lagu soo koobi karin xeerar kombiyuutar lagu baray, maadaama qalabkaasi uusan dareen damqasho lahayn.

Warbixintu sidoo kale waxay xustay in cilmi-baarayaal ay ka walaacsan yihiin in AI ay soo saari karto natiijooyin khaldan haddii xogta lagu quudiyo ay noqoto mid aan dhammaystirnayn, duugowday ama khaldan, taasoo kordhin karta khasaaraha shacabka.

Dhanka kale, qaar ka mid ah khubaradu waxay qabaan in AI ay si weyn u dedejin karto falanqaynta xogta iyo qorshaynta hawlgallada militariga, balse aysan beddeli karin mas’uuliyadda iyo go’aannada anshaxeed ee ay tahay in bini’aadamku qaato.

Warbixinta ayaa ugu dambeyn xustay in iyadoo AI ay sii kordhinayso kaalintiisa goobaha dagaalku, doodda ugu weyn ay weli tahay in go’aannada la xiriira nolosha iyo dhimashada aan laga wareejin karin gacanta bini’aadamka, maadaama sirdoonka macmalka ahi uusan lahayn damiir ama faham dhab ah oo ku saabsan qiimaha nolosha aadanaha.

Get Goobjoog updates

From the comments