Goobjoog

Waqooyi Kuuriya oo AI-ga u adeegsanaysa weerarrada dhanka internetka

Waqooyi Kuuriya ayaa lagu eedeeyay inay sii kordhisay adeegsiga sirdoonka macmalka ah (AI) si ay u xoojiso weerarrada dhanka internetka, iyadoo koox hackers ah oo lala xiriiriyo hay’adaha sirdoonka dalkaasi ay AI u adeegsanayso diyaarinta dukumentiyo been-abuur ah iyo hawlgallo lagu beegsanayo bartilmaameedyo xasaasi ah.

Waqooyi Kuuriya oo AI-ga u adeegsanaysa weerarrada dhanka internetka

Waqooyi Kuuriya ayaa lagu eedeeyay inay sii kordhisay adeegsiga sirdoonka macmalka ah (AI) si ay u xoojiso weerarrada dhanka internetka, iyadoo koox hackers ah oo lala xiriiriyo hay’adaha sirdoonka dalkaasi ay AI u adeegsanayso diyaarinta dukumentiyo been-abuur ah iyo hawlgallo lagu beegsanayo bartilmaameedyo xasaasi ah.

Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkadda Kuuriyada Koonfureed ee amniga internetka ee Genians ayaa lagu sheegay in kooxda loo yaqaan Kimsuky, oo lala xiriiriyo adeegyada sirdoonka Waqooyi Kuuriya, ay tan iyo bilowgii 2026 adeegsanaysay dukumentiyo ay AI soo saartay si ay u fuliso weerarro loo yaqaan spear-phishing.

Weerarradan ayaa si gaar ah loogu beegsanayaa dhinacyada milatariga, diblomaasiyadda iyo tacliinta, ayadoo
warbixintu sheegtay in ay hackers-ku AI u adeegsanayaan inay si otomaatig ah u abuuraan faylal been-abuur ah oo loo ekaysiiyay dukumentiyo sharci ah, sida warbixinno cilmi-baaris, casuumaado iyo qoraallo kale oo qofka bartilmaameedka ah ku dhalin kara kalsooni.

Ujeeddada ayaa ah in qofka loo diro dukumenti ama fariin u muuqata mid rasmi ah, si uu u furto ama ula falgalo, taasoo weeraryahannada siin karta fursad ay ku helaan xog ama ay ku dhex galaan nidaamka kombiyuutarka qofkaas.

Genians waxay sheegtay in Kimsuky ay sidoo kale adeegsanayso qalabyo AI oo il-furan ah, oo ay ka mid yihiin Ollama, GPT4All iyo Msty, kuwaas oo u oggolaanaya in moodooyinka sirdoonka macmalka ah lagu shaqaysiiyo gudaha nidaamka iyada oo aan loo baahnayn xiriir joogto ah oo internet-ka ah.

Habkan ayaa weeraryahannada siin kara fursad ay ku farsameeyaan xog iyo dukumentiyo iyaga oo yareynaya raadadka ay kaga tagayaan adeegyada internetka.

Shirkadda Genians ayaa sheegtay in arrintan ay muhiim tahay, maadaama aysan AI kaliya ka caawinayn hackers-ka inay sameeyaan dukumentiyo khiyaano ah, balse ay u oggolaanayso inay si degdeg ah oo tiro badan u abuuraan agab loo adeegsan karo weerarrada bulshada, taasoo sare u qaadaysa awoodda kooxaha internetka ku shaqeeya.

Kimsuky iyo kooxo kale oo lala xiriiriyo Waqooyi Kuuriya ayaa muddo dheer lagu eedaynayay weerarro dhanka internet-ka ah oo lagu doonayo in lagu helo sirdoon iyo dhaqaale.

Warbixinno hore ayaa sheegay in hackers-ka Waqooyi Kuuriya ay xadeen lacago cryptocurrency ah oo malaayiin iyo balaayiin doollar gaaraya, iyagoo weerarro dhanka internet-ka ah u adeegsaday inay dhaqaale ku helaan.

Isticmaalka AI-ga ayaa hadda keeni kara isbeddel cusub, maadaama tiknoolajiyaddu ay fududayn karto in weerarrada la diyaariyo waqti gaaban, iyadoo sidoo kale kordhinaysa tayada qoraallada, dukumentiyada iyo fariimaha loo adeegsado khiyaanada dadka.

Si kastaba ha ahaatee khubarada amniga internet-ka ayaa ka digaya in tani ay hoos u dhigi karto caqabaddii farsamo ee horay uga hor istaagi jirtay kooxo badan inay fuliyaan weerarro casri ah.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments