Goobjoog

Madaxweynaha 10-aad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Injineer Axmed Barre Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Eng. Axmed Barre Muuse, oo ahaa Injineerkii Guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu ahaa shaqsi aqoon iyo waayo-aragnimo dheer u lahaa howlaha injineernimada, isla markaana door taariikhi ah ka qaatay dhismaha iyo horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

“Marxuum Eng. Axmed Barre Muuse waxa uu ahaa Injineerkii dhisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ku suntanaa karti, daacadnimo iyo adeeg bulsho. Waxa uu door muuqda kasoo qaatay dib u soo nooleyntii iyo horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, halkaas oo uu ka shaqeynayay ilaa uu ka geeriyooday,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay qoyska, ehellada, bahda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay in uu marxuumka hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo.

Get Goobjoog updates

From the comments