Goobjoog

Madaxweynaha 10-aad

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Doha si uu uga qayb gal tacsida Amiirkii hore ee Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu uga qayb galo tacsida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani, oo dowladda Qatar ku tilmaantay tiir weyn oo qaranka ka baxay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad International Airport ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdullaahi Bin Maxamed Aala Thaani, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Maxamed Axmed Sheekh Cali.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah booqashooyinka ay madaxda caalamka ku tagayaan Doha si ay tacsi ugu diraan dowladda iyo shacabka Qatar geerida Amiirkii hore, oo door weyn ku lahaa horumarka iyo diblomaasiyadda dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u muujisay sida ay uga murugootay geerida Amiirkii hore ee Qatar, iyadoo sidoo kale hoos u dhigtay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loogu muujiyo baroordiiq qaran.

Magaalada Doha ayaa maalmahan martigelinaysa madax badan oo ka kala socda dalal kala duwan, kuwaas oo u tegaya inay tacsi u diraan Dowladda Qatar iyo qoyska boqortooyada geerida Amiirkii hore.

Get Goobjoog updates

From the comments