Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 49 sano guuradii ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 27-kii Juun 1977.
Munaasabaddan oo ka dhaceysa fagaaraha caanka ah ee Al Houriya Square ee magaalada Jabuuti, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya madax heer qaran iyo marti sharaf caalami ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono bandhigyo dhaqameed, madadaalo iyo barnaamijyo muujinaya midnimada iyo waddaniyadda shacabka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda, isagoo hambalyo u diraya dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jabuuti munaasabadda maalinta xorriyadda, isla markaana adkeynaya xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.


From the comments