Muqdisho, Oktoobar 28, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqday ka qaybgalka shir-madaxeedka saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, kaas oo la filayo inuu ka qabsoomo dalka Ruushka 28–29 Oktoobar 2026.
Shir-madaxeedkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka siyaasadeed, ganacsi, maalgashi iyo iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika.
Kulanka ayaa imanaya xilli dowladda Ruushka ay raadineyso inay ballaariso xiriirka dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika, halka dowladaha qaaradda ay daneynayaan helitaanka maalgashi, suuqyo ganacsi iyo iskaashi dhinacyada beeraha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Shirarkii hore ee Ruushka iyo Afrika ayaa lagu soo qaaday ballanqaadyo la xiriira kordhinta ganacsiga, taageerada cuntada iyo xoojinta iskaashiga amniga. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah ballanqaadyadaas ayaa dhaleeceyn kala kulmay falanqeeyayaasha, kuwaas oo su’aal geliyay saameyntooda dhaqaale ee dhabta ah.
Shirkii ugu horreeyay ayaa sannadkii 2019 lagu qabtay magaalada Sochi, halka shirkii labaad uu sannadkii 2023 ka dhacay magaalada St. Petersburg.
Dhanka kale, wararka laga helayo diyaar-garowga shirka ayaa sheegaya in ku dhowaad 17 madaxweyne oo Afrikaan ah ay xaqiijiyeen ka qaybgalka, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo caddeyn tirada ugu dambeysa ee madaxda ka qeybgaleysa.
Ilaa hadda, lama shaacin sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga baaqday shirka iyo haddii Soomaaliya ay wafdi kale u diri doonto kulanka.
From the comments