Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyey Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qayb galaan gogol wadatashi qaran oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, gogoshan ayaa ujeeddadeedu tahay in dhinacyadu si wadajir ah uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka federaalka, si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo isu-tanaasul.
Casuumaaddan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliyeed la isugu keeno, si looga wada xaajoodo arrimaha doorashooyinka dalka, loona helo xal siyaasadeed oo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.




From the comments