Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Museveni oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo xiriirka labada dal

Kampala, Uganda – 26 Oktoobar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, kaas oo ay uga wada hadleen xiriirka…

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Museveni oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo xiriirka labada dal

Kampala, Uganda – 26 Oktoobar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, kaas oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda amniga Soomaaliya.

Madaxweyne Museveni ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ee horey Twitter-ka u ahaa ku sheegay inuu soo dhoweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay kulankooda diiradda ku saareen arrimaha labada dal, gaar ahaan xaaladda amni ee Soomaaliya.

Museveni ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dhowaan heli doonto bunka Uganda ee qiimaha dheeraadka ah lagu daray, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid loo qaaday jihada saxda ah.

Madaxweynaha Uganda ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh taageerada uu muujiyey, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments