Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Sky News kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, dagaalka Al-Shabaab, khatarta argagixisada caalamiga ah, xiisadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, loollanka marin-biyoodka Badda Cas iyo dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wareysiga oo taabanayay arrimo gudaha iyo dibadda ah ayaa Madaxweynaha lagu weydiiyay xaaladda dagaalka Al-Shabaab, dib-u-qabsashada qaar ka mid ah deegaannadii laga xoreeyay kooxda, qorshaha dowladda ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah, dhalinyarada ay kooxdu qoranayso iyo caqabadaha dhaqaale iyo nololeed ee horseedi kara in dhalinyaradu ku biiraan kooxaha hubeysan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uusan ku koobnayn oo keliya hawlgallada milateri, balse uu u baahan yahay qorshe dhinacyo badan leh, isaga oo tilmaamay in dowladda ay waddo saddex istaraatiijiyadood oo is kaabaya, kuwaas oo kala ah dagaalka milateri, ka hortagga fikirka kooxda iyo joojinta ilaha dhaqaale ee ay ka hesho bulshada.
Isaga oo ka hadlayay xaaladda dagaalka, ayuu sheegay in dagaalku yahay mid leh guulo iyo dib-u-dhacyo, isla markaana aan dib-u-qabsashada deegaanno kooban loo arki karin in guud ahaan dagaalku dib u dhacay. Waxa uu xusay in deegaannadii hore looga xoreeyay Al-Shabaab ay weli ku jiraan gacanta dowladda, halka kooxda ay dib ula wareegtay laba degmo oo ay dowladda ku raad joogto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in awoodda Al-Shabaab ay hoos u dhacday marka loo eego sannadihii hore, isaga oo ku dooday in kooxda laga saaray dhul ballaaran, sidoo kalena ay lumisay qaar ka mid ah hoggaankeeda muhiimka ah.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in in ka badan 70 boqolkiiba dadka dalka ay ka hooseeyaan da’da 30 sano.
Waxa uu xusay in dhalinyaradu noqon karaan awoodda ugu weyn ee mustaqbalka dalka ama caqabad haddii aan la siin waxbarasho, shaqo iyo fursado dhaqaale.
Waxa uu sheegay in dowladda ay isku dayeyso inay dhalinyarada u abuurto fursado shaqo, maalgelin ganacsi iyo tababaro xirfadeed, isaga oo tusaale u soo qaatay mudnaanta la siinayo dhismaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ay dhalinyaradu leeyihiin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, saameynta isbeddelka cimilada, abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo dhaliilay ku tiirsanaanta joogtada ah ee gargaarka bani’aadannimo.
Markii wax laga weydiiyay dhimista gargaarka caalamiga ah ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn ku yeelan karto dadka nugul, hase yeeshee uu muhiim u arko in bulshada loo abuuro habab ay ku maareyn karaan noloshooda, halkii ay muddo dheer ku tiirsanaan lahaayeen kaalmo lacageed iyo raashin.
Arrimaha amniga gobolka, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso sugidda amniga gudaha, isla markaana aysan doonayn inay qayb ka noqoto khilaafaadka ka dhex jira dalalka gobolka.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la leedahay Itoobiya iyo Eritrea, isla markaana aysan dan ka lahayn faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay amniga Badda Cas iyo dib-u-soo ifbaxa burcad-badeedda Soomaalida, isaga oo sheegay in xal waara aan lagu gaari karin oo keliya hawlgallo milateri oo badda laga fuliyo, balse loo baahan yahay in wax laga qabto duruufaha ka jira dhulka, lana xoojiyo amniga xeebaha, ilaalada xeebaha iyo fursadaha nololeed ee dadka ku nool deegaannada xeebaha.
Dhanka loollanka juqraafi-siyaasadeed ee Badda Cas, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in dalal shisheeye ay saldhigyo wakiillo ama awoodood ku dhistaan gudaha dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiisyadii hore ee difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta la baajiyay, isaga oo ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Imaaraadku ka sameynayo gudaha Soomaaliya kuwo aan sharci ahayn.
Arrinta midnimada Soomaaliya ayaa iyaduna qayb weyn ka ahayd wareysiga, ayadoo Madaxweynuhu uu sheegay in khilaafaadka kala dhexeeya maamullada Puntland iyo Jubaland lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo tilmaamay in wada-xaajoodku weli furan yahay.
Somaliland ayuu ku tilmaamay arrin ka duwan, maadaama ay sheegato inay tahay jamhuuriyad ka madax-bannaan Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dowladda federaalku ay weli aaminsan tahay midnimadii lagu dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadkii 1960-kii.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isaga oo ku dooday in sababta ugu weyn ee Israa’iil ay tallaabadaas u qaaday ay tahay danaha istaraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo doonista helitaanka saldhig ciidan oo badeed oo gobolka ku yaalla.
Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay sumcadda Soomaaliya ee caalamka iyo sawirka xun ee muddo dheer laga sameeyay dalka, isaga oo sheegay in filimada iyo warbaahinta qaarkood ay dunida u muujiyeen Soomaaliya dal ku kooban dagaal iyo burbur.
Waxa uu tilmaamay in Muqdisho ay maanta tahay magaalo ay ku wada nool yihiin Soomaali ka kala timid dhammaan gobollada dalka, taas oo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
From the comments