Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland ay salka ku hayso dano istaraatiijiyadeed oo la xiriira Badda Cas, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ujeeddada ugu weyn ay tahay raadinta meel ay ka sameysato saldhig ciidan oo badeed.
Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Israa’iil aysan tallaabadaas u qaadin dano la xiriira horumarinta Soomaaliland ama taageero ay u hayso qadiyadda ay Soamaaliland ku doonayso gooni-isu-taagga, balse ay raadineyso dano amni iyo juqraafi-siyaasadeed.
Waxa uu sheegay in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ciidan oo badeed ka hesho meel muhiim u ah marin-biyoodka Badda Cas, si ay ugu dhowaato Gacanka Cadmeed iyo goobaha kale ee ay danaha amni ka leedahay.




From the comments