Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, horumarka dhinaca amniga iyo qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay mudnaan siinayso dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka, laguna wiiqayo awoodda Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu dhisayo dowladnimo awood leh.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale diiradda saaray horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo adkeeyay qorshaha dowladda ee ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaamiyeyaashooda.




From the comments