Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo 66 sano ah kaddib markii ugu horreysay hirgelisay dib u habayn siyaasadeed oo salka ku haysa nidaamka doorashada qof iyo cod.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ee ka socata magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in hirgelinta doorashada tooska ahi ay tahay isbeddel taariikhi ah oo dalka loo horseeday.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Doorashada qofka iyo codka ahi ay tahay tallaabo weyn oo lagu dhisayo dowladnimo ku salaysan rabitaanka shacabka.


From the comments