Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Labada mas’uul ayaa halkaasi uga qeyb galaya munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), taas oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loogu diyaariyay munaasabadda caleema-saarka, iyadoo ay halkaasi maalmihii lasoo dhaafay gaarayeen mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.


From the comments