Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ku khaarijiyay 19 xubnood iyo horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay.
Xubnahan ayay hay’addu sheegtay inay ku howlanaayeen abaabulka maleeshiyaad, kaydinta hubka iyo qorsheynta falal argagixiso oo lid ku ah ammaanka dalka.
Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Geel-gub, oo hoos taga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Kooxdu ku uruurinaysay maleeshiyaad loo diyaarinayay fulinta falal argagixiso.
Weerarro is xigay oo lagu bartilmaameedsaday goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen ayaa lagu diley 12 xubnood, waxaana lagu burburiyay fariisimihii iyo gabaadyadii ay kooxda u adeegsaneysay abaabulka iyo diyaarinta weerarrada.
Dhanka kale, howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu burburiyay xarun ay Kooxdu u adeegsaneysay kaydinta hubka laga soo uruurin jiray Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Howlgalkaas waxaa lagu dilay toddobo xubnood oo uu ku jiray Horjooge Faaruuq oo qaabilsanaa Kaydka hubka, waxaana sidoo kale lagu gubay hubkii iyo agabkii yaallay xaruntaas, oo ay ka mid ahaayeen labo Cabdi Bile, Nooho iyo labo Mooto.
Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha, xarumaha iyo sahayda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, ayaa lagu yiri warka ay soo saartay NISA.
From the comments