Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku khaarijiyay siddeed xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal muhiim u ahaa weerarrada kooxda.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay xubnaha Al-Shabaab ku shirayeen oo ku taalla hareeraha jiinka webiga ee duleedka Basra, halkaas oo lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa miinooyinka iyo horjoogihii fulinta weerarrada hoobiyeyaasha nooca 107mm, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Eybka Caalim (Daqare), iyo lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxdiisa.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, howlgalka ayaa jab culus ku noqday shabakaddii kooxda u qaabilsaneyd qorsheynta iyo fulinta weerarrada hoobiyeyaasha ah.


From the comments