Goobjoog

La-dagaallanka Al-Shabaab

Isbeddelka Al-Shabaab: Ma Istaraatiijiyad Baa Mise Waa Lagu Qasbay? (Cilmibaarista Saldhig Institute)

Machadka cilmibaarista ee Saldhig Institute oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin cusub oo si weyn u falanqaynaysa isbeddellada dhanka istaraatiijiyadda, hawlgallada milateri, iyo hannaanka maamul ee kooxda…

Isbeddelka Al-Shabaab: Ma Istaraatiijiyad Baa Mise Waa Lagu Qasbay? (Cilmibaarista Saldhig Institute)

Machadka cilmibaarista ee Saldhig Institute oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin cusub oo si weyn u falanqaynaysa isbeddellada dhanka istaraatiijiyadda, hawlgallada milateri, iyo hannaanka maamul ee kooxda Al-Shabaab ee sannadihii u dambeeyay.

Warbixintan oo baxday bishan Luulyo 2026, ayaa ka kooban 40 bog. Waxay si gaar ah u dhuuxaysaa in isbeddellada ka muuqda kooxda ay yihiin kuwo ay iyagu qorshaysteen (istaraatiijiyad) iyo inay yihiin kuwo ku yimid culaysyo kaga imaanaya hawlgallada ciidan iyo isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka jira (kuwa lagu qasbay).

Beddelka Tabaha Milateri iyo Adeegsiga Sirdoonka

Warbixinta ayaa lagu xusay in dhanka hawlgallada milateri ay kooxdu bilowday dhisidda ciidamo gaar ah oo fuliya weeraro qorshaysan, iyadoo si weyn ugu tiirsan xog-ururin sirdoon oo aad u xooggan. Waxay, sidoo kale, adeegsadaan tabaha kediska ah iyo u kuurgalidda daldaloolada amni ee ka jira goobaha ay beegsanayaan, si ay u gaaraan guulo ciidan iyadoo aanay khasaare ballaaran soo gaarin.

Ilaha Dhaqaalaha iyo Maamulka

Dhinaca maaliyadda, cilmibaaristu waxay muujisay in kooxdu ay si weyn ugu tiirsan tahay ilo dhaqaale oo isugu jira canshuuraha baadda ah, khidmadaha ay ka qaadaan waddooyinka ganacsiga, iyo adeegsiga lacagaha moobilka (mobile money) si ay u maamulaan ugana gudbiyaan dhaqaalahooda qaybaha dalka, taas oo u sahlaysa inay sii joogteeyaan hawlgalladooda.

Haddaba, lifaaqan hoose ka sii akhriso cilmibaarista oo dhammaystiran:

Qeybta af Soomaaliga ah: https://saldhig.org/wp-content/uploads/2026/07/Isbeddelka-Al-Shabaab-1.pdf

Qeybta af Ingiriisiga ah: https://saldhig.org/wp-content/uploads/2026/07/Al-Shabaabs-evolution.pdf

Get Goobjoog updates

From the comments